|
Golaha
Amaanka & Midnimada Qaarada Africa ayaa todobaadka soo socda ka shiraya
xaalada dalka Soomaaliya ,shirkaan ayaa ah mid deg deg ah oo layskugu
yeeray Madaxda dowladaha Africa si ay uga hadlaan xaaladaha dalka
Soomaaliya.
Gudoomiyaha golaha amaanka iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit
ayaa sheegay in kulankoodu ku saabsan yahay xaalada dalka Soomaaliya &
sidii kaalmo loo siin lahaa ciidamada nabad sugayaasha ee la geeyo dalka
Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ay xaalada Soomaaliya tahay mid aan wanaagsaneyn ,isla
markaana ay ka jirto nabadgalyo la'aan baahsan ayna ciidamada Midowga
Africa ee jooga Soomaaliya ay qaban waayeen waxyaabo la taaban karo ,isagoo
taasna sheegay in ay sabab utahay dhaqaale la'aanta ciidamada Africa
heysata.
Danjirahan wuxuu sheegay in kulankooda ay diirada ku saarayaan sidii loo
gacan qaban lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,markaasna taageero
looga siin lahaa Ciidamada Booliska dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo
Kuwa Milateriga ee Qalabka Sida.
Mr. Siciid wuxuu tibaaxay in looga baahan yahay dowladaha Africa oo dhan
in ay taageeraan qorshahan, si ay Soomaaliya uga baxdo dagaalada iyo
rabshadaha ka socday dalka mudada dheer ee aan laheyn yoolka ay
hiigsanayaan.
Shirkaan ayaa hordhac u ah Shirweyne ay yeelanayaan Madaxweynayaasha
dowladaha Africa ,kaasoo lagu falanqeynayo xaalada dalka Soomaaliya iyo
sidii taageeri loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |