
Main Menu
BBC Somali
VOA
User Login
Links
| Dowladdii hore ee Caddde oo ka dambeeya ammaan darrada Magaalooyinka Puntland |
|
|
| Written by Aayatiin |
| Wednesday, 23 December 2009 09:49 |
|
Waxaa waayahaan dambe soo badanayey tuhun dowladda Puntland ka qabto in dowladdii hore ee Cadde ka dambeeyaan dhibaatooyinka ammaan darro ee ka taagan Puntland. Tuhunkaan oo maalinba maalinta ka dambaysa soo xoogaysanaya ayaan waxaan war ka helnay nin ka mid duqooyda magaaladda Gaalkacyo, nagana codsaday inaan magaciisa la faafin. Ninkaan odayga ah wuxuu Aayatiin.net u sheegay inay jiraan tuhumo iyo caddaymo la helay in madaxdii ka tirsanayd dowladdii hore ee Cadde ay ka dambeeyaan dhacdooyinkii ammaan darro ee ka dhacay magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo. Waxaa jira qoraallo loo gudbiyey madaxda dowladd Puntland, kuna qoran magacyada dadkaas looga shakisan yahay dhacdooyinkaas ammaan darro. Dowladda Puntland iyadoo aad iyo aad u fooljigan ayey doonaysaa in magacyadaan ay u gudbiso Baarlamaanka Puntland kana codsadaan sidii raggaan wax looga qaban lahaa. Raga aad iyo aadka looga shakisan yahay ammaan darrada magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa dowladdii hore ee Cadde ka ahaa rag jagooyin kasoo qabtay ayuu yiri duqaas. Magacyadooda waxaa lagu arkay warqadahaas loo gudbiyey madaxda dowladda Puntland. Waxaanu ku jirnaa sidii aan qoraaladaas u helilahayn, kadibna magacyada raggaas oo dhan iyo waxa ku qoran aan idinkugu soo gudbin lahayn akhristow. Dhinaca kale dad badan ayaa dhaliilsan sida ay wax u wado Dowladaan imika kadhisan Garoowe taas oo ay ku eedeeyeen in ay ku mashquushay sidii loo kaydin lahaa dhaqaalo iyadoo amaanka aan wax howl ah aysan iska saarin, Waxaa kaloo lagu eedeynayaa in ay Mas'uuliyiin kadhigtay Rag iyagu ciil qaba walina dad gooni ahna raadsanaya. dhacdooyinka ugu dambeeyay ayaa waxaa kamid ah in Musuqmaasuqa uu wali yahay kan ugu weyn ee saldhiga u ah Puntland, Calanka dhawaan lasoo Bandhigay ayaa ah mid ay dhaliilsan yihiin dad badan laakiinse waxaa taasi dhagaha ka furaystay Maamulka iyadoo laga shakisan yahay in cida samaysay calankaan ay noqon karto Dowlada inkastoo si furan loo waydiiyay dadka. Aayatiin |
Most Readed
- Talibaan oo jaajuusiintii maraykanka u shaqeeynayey laynaysa
- Sirdoonka Maraykanka oo awood loo siiyey in lacagaha laga diro yurub dabagalaan
- Xaaladda Gal-Gala ee maanta Warbixin
- Xaqooti Soomaali ah oo maalin walba imaanaya Jarmalka
- Kadija Hayir: ‘A Somali woman leader, Cultivates Her Garden and Her Community
Xayeesiin
ImageSlideShow







