top
logo

User Login




Home Akhriso oo ogsoonow Dhacdo Hooyooyin soomaaliyeed oo carruurtoodii meel sare gaarsiiyey
Hooyooyin soomaaliyeed oo carruurtoodii meel sare gaarsiiyey Print E-mail
User Rating: / 11
PoorBest 
Written by Aayatiin   
Friday, 01 January 2010 18:38

Carruurta haddii ay xumaato waxaa la saaraa Hooyada, haddii ay wanaagsanaatanna waxaa la raaciyaa Aabbaha. Taas waxaa beeniyey markii magaalo ku taal jarmalka hooyin kaliya oo  haysta carruur dhan 7 tiiba ay carruurtoodii noqdeen kuwo meel ka soo baxay. Aabbayaashii meeye????

Waxaa jirta magaalo lagu magacaabo Münster oo ku taal waddanka Jarmalka ayaa noqotay in dadka jarmalka ah ee deggan la yaabaan hooyooyinka soomaaliyeed ee haysta carruur aad u badan markay carruurtoodii waddo wanaagsan marsiiyeen iyagoon hal aabbe ahna la joogin.

 

Magaaladaan Münster ee ku taal galbeedka jarmalka kana tirsan gobolka lagu magacaabo Nordrheinwestfalen. Magaaladaan waxay u dhaxaysaa magaalooyinka Bremen iyo Dortmund. Waxaa ku nool magaaladaan dad gaaraya 280kun.

Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa 20 qoys oo kiiba toddobo carruur ah haysto. Qoysaskaan badan koodu waa kuwo hooyo kaliya hayso carruurta. Aabbayaasha carruurta dhalay waxaa loo kala qaybiyey kuwo dalka ka maqan iyo kuwo guriga ka maqan oo waddanka jarmalka dhinac ka deggan ama isla magaalada deggan.

 

Waxbarashada waddankaan jarmalka waa waxbarsho ka duwan waxbarashadeennii. Ilmaha markuu gaaro 6 sano ayuu bilaabayaa dugsiga hoose(fasalka koowaad) ilaa wuxuu wadayaa fasalka afaraad. Marka fasalka afaraad uu ardaygu dhammaysto waxaa ardayda loo kala qaybiyaa dhawr dugsi.

Dugsigayada loo kala qaybiyo waxaa ka mid ah:

- Dugsiga dhexe ee ardayda waxbarashada xun(Hauptschule)

- Dugsiga dhexe ee ardayda waxbarashadoodu dhexdhaxaadka ah(Realschule)

- Dugsiga dhexe/sare ardayda waxbarashoodu xuntahay/dhexdhaxaad(Gesamtschule)

- Dugsiga dhexe/sare ardayda waxbarashoodu wanaagsan tahay(Gymnasium)

Nidaamka waxbarasho ee ardayda sidaas loogu kala qaybiyey dugsiyada ay aadayaan waxaa dhawr jeer ka soo horjeestay wasaaradda waxbarashada ee dunida(UNESCO) oo sheegtay inaysan wanaagsanayn in ilmaha iyagoo afar sano kaliya dhigtay dugsiga hoose loo kala qaybiyo  dugsiyo iyo in la liidho qaar kood.

Dadka shisheeyaha ah ee deggan waddankaan waxay ardaydoodu 98% aadaan dugsiyada xun Hauptschule. Waxaa la soo ogaaday in macallimiinta dhigta dugsiyada hoose ee jarmalka ay eegaan oo kaliya ardayda waalidkood waxbarashooda. Haddii ilmaha waalidkiis yahay kuwo jaamacad ka soo baxay waxay u diraan ardaygaas dugsiyada sare(Gymnasium), haddii uu ardaygu ka soo jeedo shisheeye ama uusan waalidkii ka soo bixin jaamacad waxay u diraan 98% dugsiyada waxbarashadoodu liidato(Hauptschule) taasoo loogu talagalay arday noqonaysa inay xirfad un bartaan dabadeedna shaqo raadsadaan.

Waxaa la yaableh in hooyooyinka ku nool Münster ay noqdeen carruurtooda kuwa gala dugsiyada Gymnasiumka, taasna ay  ugu wacan tahay hooyooyinka oo xoogga saaray in ilmahooda aanu noqon kuwo dugsiyada Hauptschule aada. Waxay sameeyeen qaarkood in marka ay ilmuhu ka yimaadaan dugsiga in galabtii uu aado dugsi kale oo lacag laga bixinayo oo uu casharadii ku adkaa halkaas lagu barayo. Qaar iyagaa guriga isku bara. 

Gabar soomaaliyeed ayaa lagu qoray dugsiga Realschule. markii ay dhiganaysay halsano ayaa diratooradii dugsiga marti qaaday waalidkii carruurta markay yimaadeen ayey u sheegtay in gabadhooda ay geeyaan dugsiga sare(Gymnasium) waayo waa gabar aad iyo aad maskaxdeedu u wanaagsan tahay. Gabadhii waxay marakan dhigataa fasalka 10 aad ee dugsiga sare(Gymnasium). 

Dhammaan carruurtaas soomaaliyeed waxay noqdeen kuwo dugsiyada sare lagu qora. Qaar waxay marakan dhigtaan jaamacadaha.

Tuule kale oo iyana wax yar u jirta lana yiraahdo Ahlen ayaa deggan hooyo lix carruur ah haysata. Labada ugu weyn waxay sanadkii 2009 bilaabeen jaamacad. kuwa kalana wax wanaagsan tahay waxbarashooda.

 

Dadka jarmalka ah markay ku waydiiyaan dugsiga ay carruurtaadu dhigato oo aad ku tiraahdo waxay dhigtaan dugsiga sare(Gymnasium) adigoo shisheeye ah aad iyo aad ayey kuula yaabayaan oo ku waydiinayaan sida ay ku gaareen. Sidaas daraadeed ayaa hooyooyinka soomaaliyeed loola yaabaa.

 

 Hooyooyinka soomaaliyeed way ka soo baxeen kaalintoodii ay kaga jireen dadka soomaaliyeed. Waxaase laga sugayaa aabbayaasha soomaaliyeed kaalintoodii.

Waxaa laysku raacay in aabbayaasha soomaaliyeed marka carruurtoodu wanaagsanaato inay yiraahdaan anigaa wanaajiyey, markay xumaatanna yiraahdaan hooyadood ayaa sidaas yeeshay. Taas waa ay beenowday oo meelkasta oo ay soomaali ku nooshahay dunida dacaladeeda waxaa la arkay in aabbuhu ugu liito ka qaybqaadashada wax qabadka noloshsa carruurtiisa. Waxaan oranayaa is daba qabta oo garab istaaga haweenkiinna iyo carruurtiinna, intaad taagan tihiin mukhaayad ku sheegta iyo intaad Been-Been-Sii dhagaysanaysaan.    

Aayatiin

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS