top
logo

User Login




Home Maqaalada Maqaalada Soomaalida Danmark oo ay saamayn ku yeelatay Weerarkii ninka Faaska watay
Soomaalida Danmark oo ay saamayn ku yeelatay Weerarkii ninka Faaska watay E-mail
User Rating: / 0
PoorBest 
Written by A.M Farah   
Thursday, 21 January 2010 14:37

Soomalida Danmark oo ay saamayn ku yeelatay Weerarkii ninka Faaska watay

 ee sawirhii Kurt W. iyo Soomalida oo arinkaas kaga guulaystay Siyaasiyiintii rabtay in kaga faa'idaysato si khaldan.  

Tan iyo Maalinkii la cadeeyay 01.01.2010. in Nin Somali ah oo 28 jir uu ku weeraray ninkii sameeyay Sawir gacmeedkii lagu xumaynayay dadka Islamka ah, ayaa waxaa soo baxday in arinkaasi ay si qaldan oo lagu dhibaataynayo Jaaliyaadka Muslimiinta siiba kuwa Soomalida ee

 ku sugan wadankan Danmark ay qorshaynayaa siyaasiyiin xag jir ah iyo dadka neceb ajaanibta gaar ahaan Muslimiinta.

Dadkaas ayaa waxaa ay ka faa'idaysanayeen in dhacda daas oo uu fuliyay sida la sheegay nin kaligiis ah,oo aan la ogayn cida ku dhiira gelisay.

daawo sawiradan caruurta iscaawinaysa

.http://foto.jp.dk/fotosite_albumview.php?serie=652

waxaa jirtay in siyaabo kala gedisan ay uga hadleen dhamaan jaaliyada wadankaan ee degan

Gaar ahaan Somalida. waxaa sidaas oo kale ka hadlay ururka Det Somaliske Forbund(ururka Xiriirka Soomalida Danmark ama Rabidada Somalida)Ururkan oo xaruumo ku leh magaalooyinka waa weyn Denmark laakiinse xafiiskiisa guud waxaa uu ku yaal

Magaalada Aarhus ee ah caasimada labaad Denmark.

Waxaa jirtay laga soo bilaabo taariikhda markii ay ahayd 03.dec.2009 dhacdaddii Hotel Shamo.

ee lagu dilay wasiiro iyo arday jaamacada Banadir. waxaa uu ururkaan kulmiyay

soomalida degan Denmark intooda madaxda ka ah ururada, 11. dec.2009 waxaa uu tacsi gaarsiiyay Soomalida waxaa kaloo ay lahadleen media-yada Denmark una sheegeen in ay ka xunyihiin wixii ku dhacay dadkooda. xiligaas waxaa lagu eedeeyay wiil 25 jir oo isagana ka tagay Wadankaan Denmark, hase yeeshee eedeynta wiilkaas lagu eedeeyay ayaa markii dambe

waxaa kasoo baxay in aan lahayn cadayn rasmi oo lashaaciyay si diwaangasahan sharciyan.

Jaraa'idad wadankan ayaa waxaa ay aad uga haddleen in kabadax 930 Maqaalna ka qoreen Somalida mudo kayar bil. taasi waxaa ay ku tusaysaa in bulshada wadankaan oo ah kuwa

wax aad u akhriya sida yurubta kale ay maqleen dhamaan fikirkaas kadhanka ah Somalida

waxaa sidaas darteed lagama maarmaan noqotay in Ururarada somalida ay ka hadlaan iyaga dhankooda, waxaa kamid ah dadkii iyaga wax ka qoray arinkaas Det somaliske Forbund oo sheegay in aysan somalida wadankaan degan lagu shaabadayn karin dhacdo uu geystay

shaqsi islamarkaana aysan sax ahayn in loo isticmaalo arin siyaasdeed hal fal oo uu

 sameeyay qof go'aan gaaray keligiis.

waxaa kaloo ay cadeeyeen in ay yihiin dad leh xuquuq iyo waajibaad sidada dadkla kale

ee ku nool wadankaan islamarkaana aan laga yeelayn qofkii raba in uu siqaldan u isticmaalo falkaan. waxaa taasi daba socday in ay Mas'uuliyiinta ururkaan siyeen waraysi 

dheer Jaraa'idka ugu afka dheer wadankaan ahna kii markii hore sawirka sameeyay

 laguna xanto in uu yahay mid aan si sax ah usoo bandhigin arinka ajaanibta. ayaa waxaa ay ku guulaysteen sedexda mas'uul ee ugu horeysa Det somaliske Forbund oo kala ah 

Eng. Abdifatah Ali Herzi  (Janagale) Sh. Abdiaziz H. Isak (mowlana)

iyo Eng.Abdulmalik M Farah gaas. in ay ku qanciyaan jaraa'idada wadankan gaar ahaan Jyland posten oo ah kan ugu weyn wadankan in ay marka hore ay sheegaan sida ay u'arkaan dilka iyo xagjirnimada dhankasta ama qof Islam haka timaado ama Qof gaal ah, waxaa kale ay sheegeen

in bulshada joogta wadankan ee kasoo jeeda Qowmiyada Somalida ay yihiin kuwii ugu

dambeeyay ee yimid wadan islamarkaana aysan ahayn sida loo suurad xumaynaya, marka laga hadlayo waxaa ay yihiin jaaliyada ugu dambiyada yar oo ah cel celis ahaa 0%, waxbarashada waxaa ay yihiin kuwa ugu horeeyay dhamaan jaaliyadaha kale.

Qoraaladaan ay qoreen ururada Somalida oo aan weli gaarin 50 maqaal ayaa ah kuwo aad uyar marka loo eego kuwa ay qoreen dadka danishka ah, laakiinse tirada haba yaraato waxaa ay

 sitoos ah ugaartay dadkii loogu tala galay, oo haddeer bedelay luuqadooda marka laga hadlayo, waxaa kale oo ay bedeleen fikirkii joornaaliistayaasha, waxaa sidoo kale candhuuftooda dib

u liqay xisbiyada aan jeclayn dadka soo galootiga. waxaa imika ay soo bandhigayaan waxa ay yihiin Soomalida wadankaan gaar ahaan kuwa shaqaysta ama wax barta..

Yusuf Abdi isse oo ah wiil yar oo ay tarbiyad fiican siiyeen waalidkiisa iyo macalimiintiisa ka howlgala xaruunta Det Somaliske Forbund ayaa waxaa uu si fiican u cadeeyay in uu dhigto

fasalka 8aad waxaa uu islamarkaana xiligaas caawinayay saaxiibkiis Amiin Nuur xuseen oo

fasalka 5aad dhigta, labadaan wiil ayaa waxaa ay wariyaha usheegeen in ay iska caawinyaan xisaabta sidoo kale Yusuf ayaa yiri hadda waxaan caawinayaa Amiin anaigana waxaa icaawinaya Adeeradeen oo iyagu uu ula jeedo howlwadeenada Det somaliske Forbund.

caawintaan maanta ku soo baxday jaraaidka weyn ee Jp. ayaa waxaa ay cadeyn u tahay in Soomalida ay isku filan yihiin laakiinse waa haddii ay kutala galaan. waxaa kaloo ay

meesha ka sheegeen dhamaan cida howsha wada iyo cida ka faa'idaysanaysa ay yihiin

soomaali. taas oo ay udheer tahay in aysan ururkaan iyo xubnihiisa wax caawin weydiisan

 mudad labada sano ahayd ee howsha wadeen dowlada ama cid kale ee howsha ay tahay

 mid ay leeyihiin Soomaalida. 

Arimaha wanaagsan ee laga sheegay Soomalida ayaa waxaa ay sabab unoqotay in xitaa ninkii isagu sawirka sameeyay in uu BBC oo wareysatay uu ku yiri waxaan rabi lahaa in aan lakulmo Wiilka Somaliga ee faaska iisoo qaatay, laakiinse Booliska ayaa yiri isma hortaageyno laakiinse xiligaan lama ogola in lala kulmo waxaana uu ku

 jiraa meel xiran laakiinse waa suuragal haddii ay jirto in xiliga ay wada hadlayaan ay booliskana lajoogayaan.

Sikastaba.maanta waxay utahay guul Soomalida in ay ku guulaysteen in ay soo bandhigaan

waxa ay yihiin taasina waxaa looga baahan yahay in ay sii wadaan islamarkaana ay lasocdaan horumarka qoyskooda iyo caruurtooda mustaqbalka, ayuu yiri Abdulmalik M. farah oo kamid mas'iuuliyiinta Det somaliske Forbund.

    

 WD:  A.MFarah                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                               

.isha sawirka iyo warka.jp/Ritzau

 

Xayeesiin

Featured Links:
Joomla!
Joomla! The most popular and widely used Open Source CMS Project in the world.
JoomlaCode
JoomlaCode, development and distribution made easy.
Joomla! Extensions
Joomla! Components, Modules, Plugins and Languages by the bucket load.
Joomla! Shop
For all your Joomla! merchandise.

ImageSlideShow

  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow
  • An Image Slideshow

bottom

www.aayatiin.net Designed by Boondheere Soft XHTML and CSS