|

 

  Home   | About-us  | W.Aayatiin  | Support   | Service  | Contact   | Search  |  
  d
Dalbo wargayska
Somali DVD
Video Somali ah
Sawiro somali ah
Buugag somali ah
Sport
   
   
   
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
 
  Booqashadii uu ku tegay Kuwait MDX. C/lahi Yusuf 03.maarso.2007
 
  Xildhibaan C/rashiid Ciro
   
     
   

 

Cadde Muuse oo u istaagay burburinta Puntland

Sidii ay u dhaceen dagaalkii sokeeye ee waddanka soomaaliya, waxaa magaalada muqdisho si xun u burburiyey rag isku sheegayey inay ganacsadayaal ahaayeen. Raggaasna samaystay dhallinyaro iyaga ka amar qaata oo ay siiyeen qoryo iyo hub kala duwan.

Dhabtii haddii aynu eegno raggaas ganacsatada isku sheegayey waxay ahaayeen raggii dhaqaalihii ummadda soomaaliyeed xaday, waxayna ku jiraan marakan dadka lagu qorayo buugga cad(buugga tacsida) ee laga qorayo soomaaliya. 

Raggaas isku sheegayey ganacsatada waxay ahaayeen raggii bilaabay inay waddanka soo gashaan makiinadaha lagu sameeyo lacagta soomaaliyeed, dhallinyaradana waxay ku masruufi jireen lacagtaas beenta ah oo jeebabka looga buuxin jirin, ilaa iyo haddana socota.

Dhallinyaradaas waxay sameyn jireen intay lacagtaas soomaaliga beenta ah qaataan ayey doolar uuga sarifan jireen suuqa. 

Raggaas waa rag  magac ganacsi watay balse waa rag burburinayey waddanka.

Dhallinyarada waxay ku oran jireen jidgooyo dhigta meeshaas, gaariyada maraya iyo dadka nooga soo qaada lacag, waayo ma biilikaraan intaas oo dhallinyaro. Marka waxaan oran lahaa dadkaas ma ahayn dad ganacsato ah ee waxay ahaayeen dad iyagaba dadka dhacayey, balse dahsooni lagu siiyey magaca ganacsato. 

Gobolka isku magacaabay Puntland waxa uu ahaa dhul nabdoon oo intaas oo kun oo qof uuga yimid magaalooyin kala duwan sida Muqdisho. Isku socodka dhulkaas hoostaga maamulka Puntland wuxuu ahaa dhul aan wax jidgooyo ah ka jirin.

Wanaagaas ayey ku mutaysteen shahaadadii ay bixisay jaamadda ku taal waddanka Ingiriista ee oranaysay waddanka ugu hab dhismo dowlad wanaagsan dowladaha soo koraya ama dowladaha dagaalada ka jiray waddamadooda. 

Waxaa marakan muuqata in taas ay u dhammaatay laga bilaabo 9.01.2008, sida laga sheegay in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Max’ed Muuse Xirsi(CaddeMuuse) uu ku shaaciyey in ganacsada magaalada Boosaaso samaysan karaan ciidamo dhan 300 oo dhallinyaro (qasayaal) iyo 10 Baabuur oo dagaal.  

Taasi waxay noqonaysaa mid uu ku sharciyeynayo in kooxo burcad ah gobolka Puntland laga samaysan karo si dadban. Haddii boosaaso laga sameeyo dhallinyaradaas 300 oo qof ah, waxaa bilaabanaya in Garoowe iyana ka samaystaan rag kale oo ganacsato isku sheegaya, kadibna waxaa ku xigaysa Gaalkacyo inay iyana ka samaystaan rag kale.

Waxaa bilaabanaya in gobolada nin walba geeskiisa ka samaysto ciidamadaas calooshooda u shaqaystayaasha ah, kadiba in jidgooyo lasamaysto, oo koox walba goosato gobolkeeda, bilaabatana in dadka iyo gaariyada isku gooshayana laga qaado lacag aad fara badan oo baad ah.

Lacagaha ay ku biilayaan raggaas isku sheegaya dadka dhallinyarada ah ee calooshooda u shaqaysanaya waa kuwo been abuur ah oo la doonayo in lala dagaalamo, ee maaha in la yiraahdo sameysta lacagaas oo samaysta haddana ciidamo idiin dhaca shacabka. 

Lacagtaas baada ah waxay noqonaysaa mid hareer marta khasnadii dowladda. Waxaana bilaabanaya in mushaaraddii dowladdu liiqliiq galo oo halkaas dadkii daacadda u shaqaysan jiray waxoodii waayaan. Waxaana bilaabanaya dagaalo aan la qiyaasi karin, waxaana noolaanaya oo kaliya dadka qoryaha wata sidii ka dhacday Muqdisho. 

Raggaas ganacsatada ah ma biilikaraan dhallinyaro gaaraysa 300, waaana dhici karta in iyaga dhexdooda raggaas ganacasada ah iska soo horjeestaan oo mid walbana isaga goonidiisa u samaysto ciidan. Magaalada boosaasana noqoto meel kooxo kala duwan ku nool yihiin sidii muqdiso. Dhallinyaradu markay waayaan lacag, waxay adeegsanayaan qoryaha ay haystaan iyo gaariyada dagaalka ay saaran yihiin. 

Haddaba wax wanaag ah maaha in madaxweyne dhan isagoon la tashan dowladdiisii isagu go’aan ku gaaro in ciidamo colaad dhaliya marakan ku dhawaaqo in la samaysto. 

Sida aan anigu u arko waa colaad horleh oo ka bilaabata goboladda Puntland, haddii ciidamadaas la sameeyo. Waxaa magaalada boosaaso ku soo badanayey nin sheeganaya inay ganacsadayaal yihiin oo aan u dhallan gobolada Puntland, raggaas ayaana ka dambeeya in arrintaan lagu dhaqaaqo. 

Dadka qaar ayaa sheegaya ragga ugu cadcad arrintaan wada waa rag wadaada ah oo doonaya inay hub badan samaystaan, dabadeedna sidii waagii ciidamadii C/llaahi yuusuf iyo Aweys dagaalku ku dhexmaray bari ay dhacdo. Waana wax laga soo shaqeeyey in laga dhaadhiciyo Cadde Muuse arrintaan ciidamo samaysashada ah. Ninka ugu weyn oo arrintaan ka dambeeyana waa Xasan Daahir Aweys, ayey rag badan aaminsan yihiin.

Ciidamo boolis iyo kuwo kale ayaa aad ugu badan boosaaso iyo gobolada kale maxaa kuwaas ganacsatadu lacagta mushaarkooda iyo qalabeyntooda u wanaajin waayeen, inta ay oranayaan waxaanu rabnaa ciidamo noogaar ah.

Soomaalidaa waxay tiraahdaa: Timir Lafaa ku jirta!!!!.   

Hurdiwaa

Hurdiwaa@hotmail.com

 



 

ISha:Puna.()

aayatiin.net ama webmaster@aayatiin.net

Muqdisho:Madaxweynaha Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07

Växjö:Jaaliyada Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho 10.04.0700 oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii  sedexda maalin socda

Aarhus:Xaflad Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.

 

Aarhus:BAAQ TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07

Muqdisho:Diyaarad Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay damintiisa.09.marso.07

  Waraka Shalay iyo Maanta/hore:    

 

 

 
 
                                           Kulaabo Boga Hore  
   
 
                                                                                       www.Aayatiin.net