Cadde Muuse oo u istaagay
burburinta Puntland
Sidii
ay u dhaceen dagaalkii sokeeye ee waddanka soomaaliya, waxaa magaalada
muqdisho si xun u burburiyey rag isku sheegayey inay ganacsadayaal
ahaayeen. Raggaasna samaystay dhallinyaro iyaga ka amar qaata oo ay
siiyeen qoryo iyo hub kala duwan.
Dhabtii haddii aynu eegno raggaas ganacsatada isku sheegayey waxay
ahaayeen raggii dhaqaalihii ummadda soomaaliyeed xaday, waxayna ku
jiraan marakan dadka lagu qorayo buugga cad(buugga tacsida) ee laga
qorayo soomaaliya.
Raggaas isku sheegayey ganacsatada waxay ahaayeen raggii bilaabay inay
waddanka soo gashaan makiinadaha lagu sameeyo lacagta soomaaliyeed,
dhallinyaradana waxay ku masruufi jireen lacagtaas beenta ah oo jeebabka
looga buuxin jirin, ilaa iyo haddana socota.
Dhallinyaradaas waxay sameyn jireen intay lacagtaas soomaaliga beenta ah
qaataan ayey doolar uuga sarifan jireen suuqa.
Raggaas waa rag magac ganacsi watay balse waa rag burburinayey
waddanka.
Dhallinyarada waxay ku oran jireen jidgooyo dhigta meeshaas, gaariyada
maraya iyo dadka nooga soo qaada lacag, waayo ma biilikaraan intaas oo
dhallinyaro. Marka waxaan oran lahaa dadkaas ma ahayn dad ganacsato ah
ee waxay ahaayeen dad iyagaba dadka dhacayey, balse dahsooni lagu siiyey
magaca ganacsato.
Gobolka isku magacaabay Puntland waxa uu ahaa dhul nabdoon oo intaas oo
kun oo qof uuga yimid magaalooyin kala duwan sida Muqdisho. Isku socodka
dhulkaas hoostaga maamulka Puntland wuxuu ahaa dhul aan wax jidgooyo ah
ka jirin.
Wanaagaas ayey ku mutaysteen shahaadadii ay bixisay jaamadda ku taal
waddanka Ingiriista ee oranaysay waddanka ugu hab dhismo dowlad
wanaagsan dowladaha soo koraya ama dowladaha dagaalada ka jiray
waddamadooda.
Waxaa
marakan muuqata in taas ay u dhammaatay laga bilaabo 9.01.2008, sida
laga sheegay in madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Max’ed Muuse
Xirsi(CaddeMuuse) uu ku shaaciyey in ganacsada magaalada Boosaaso
samaysan karaan ciidamo dhan 300 oo dhallinyaro (qasayaal) iyo 10
Baabuur oo dagaal.
Taasi
waxay noqonaysaa mid uu ku sharciyeynayo in kooxo burcad ah gobolka
Puntland laga samaysan karo si dadban. Haddii boosaaso laga sameeyo
dhallinyaradaas 300 oo qof ah, waxaa bilaabanaya in Garoowe iyana ka
samaystaan rag kale oo ganacsato isku sheegaya, kadibna waxaa ku xigaysa
Gaalkacyo inay iyana ka samaystaan rag kale.
Waxaa
bilaabanaya in gobolada nin walba geeskiisa ka samaysto ciidamadaas
calooshooda u shaqaystayaasha ah, kadiba in jidgooyo lasamaysto, oo koox
walba goosato gobolkeeda, bilaabatana in dadka iyo gaariyada isku
gooshayana laga qaado lacag aad fara badan oo baad ah.
Lacagaha ay ku biilayaan raggaas isku sheegaya dadka dhallinyarada ah ee
calooshooda u shaqaysanaya waa kuwo been abuur ah oo la doonayo in lala
dagaalamo, ee maaha in la yiraahdo sameysta lacagaas oo samaysta haddana
ciidamo idiin dhaca shacabka.
Lacagtaas baada ah waxay noqonaysaa mid hareer marta khasnadii dowladda.
Waxaana bilaabanaya in mushaaraddii dowladdu liiqliiq galo oo halkaas
dadkii daacadda u shaqaysan jiray waxoodii waayaan. Waxaana bilaabanaya
dagaalo aan la qiyaasi karin, waxaana noolaanaya oo kaliya dadka qoryaha
wata sidii ka dhacday Muqdisho.
Raggaas ganacsatada ah ma biilikaraan dhallinyaro gaaraysa 300, waaana
dhici karta in iyaga dhexdooda raggaas ganacasada ah iska soo
horjeestaan oo mid walbana isaga goonidiisa u samaysto ciidan. Magaalada
boosaasana noqoto meel kooxo kala duwan ku nool yihiin sidii muqdiso.
Dhallinyaradu markay waayaan lacag, waxay adeegsanayaan qoryaha ay
haystaan iyo gaariyada dagaalka ay saaran yihiin.
Haddaba wax wanaag ah maaha in madaxweyne dhan isagoon la tashan
dowladdiisii isagu go’aan ku gaaro in ciidamo colaad dhaliya marakan ku
dhawaaqo in la samaysto.
Sida
aan anigu u arko waa colaad horleh oo ka bilaabata goboladda Puntland,
haddii ciidamadaas la sameeyo. Waxaa magaalada boosaaso ku soo badanayey
nin sheeganaya inay ganacsadayaal yihiin oo aan u dhallan gobolada
Puntland, raggaas ayaana ka dambeeya in arrintaan lagu dhaqaaqo.
Dadka
qaar ayaa sheegaya ragga ugu cadcad arrintaan wada waa rag wadaada ah oo
doonaya inay hub badan samaystaan, dabadeedna sidii waagii ciidamadii
C/llaahi yuusuf iyo Aweys dagaalku ku dhexmaray bari ay dhacdo. Waana
wax laga soo shaqeeyey in laga dhaadhiciyo Cadde Muuse arrintaan ciidamo
samaysashada ah. Ninka ugu weyn oo arrintaan ka dambeeyana waa Xasan
Daahir Aweys, ayey rag badan aaminsan yihiin.
Ciidamo boolis iyo kuwo kale ayaa aad ugu badan boosaaso iyo gobolada
kale maxaa kuwaas ganacsatadu lacagta mushaarkooda iyo qalabeyntooda u
wanaajin waayeen, inta ay oranayaan waxaanu rabnaa ciidamo noogaar ah.
Soomaalidaa waxay tiraahdaa: Timir Lafaa ku jirta!!!!.
Hurdiwaa
Hurdiwaa@hotmail.com
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |