| |
|
Wararka naga soo gaaraya magaalada
Boosaaso ayaa sheegaya in ay Xukuumada Puntland uogolaatay Ganacsatada
Magaalda Boosaaso in ay sameystaan Ciidamo ugaar ah.
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse
Xirsi oo ay dalabkaan ujeediyeen ganacsatada Magaalada Boosaaso,ayaa la
xaqiijiyey in uu ka aqbalay ,isagoo amray in ay sameystaan ciidamo
gaaraya 300 oo ugaar ah iyo 10 Baabuur oo kuwa dagaalka ah.
Ogolaanshaha Madaxweynaha Puntland ee warkan ayaa waxaa xaqiijiyey qaar
ka mid ah Ilo ku dhow dhow ,ayagoo ganacsatadu habeenkii xalay ahaa shir
ku yeesheen Hotel-ka Huruuse ee magaalada Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa talaabadan qaaday markii ay la kulmeen
Ganacsatadu ,isla markaana ay sheegeen in ay ayaga loo daayo sugitaanka
amaankooda ,inkastoo aysan jirin cid ka mid ah talisyada ciidamada
Booliska oo ka hadlay.
Warka ayaa sheegaya in ay Ganacsatadu arintan ku dhaqaaqday ,ka dib
markii ay soo baxeen dhawaan Afduubyo lugula kacay qaar ka mid ah
Shaqaalaha Samafalka ee jooga deegaanada Puntland iyo halka Wariyad lugu
weeraray magaalada Gaalkacyo iyo mid lugu qafaashay Magaalada Boosaaso.
Talaabadan lasheegay in uu qaaday Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse
Xirsi (Gen.Cadde Muuse) ayaa ku soo beegmaysa ayadoo bilihii ugu
danbeeyey uu sii xumaanayay amaanka dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee
Puntland ,isla markaana ay dhaliilo Xukuumada Cadde uga imaanayeen
Dadweynaha Reer Puntland.arinkaan ugubka ah ayaa waxaa laga qabaa wal
wal badan oo keni kara in ay gobolada kale iyaguna Ganacsatooda ay
dalbadaan ciidamo u gaar ah. haddii cidkastaa ay samaysaayso ciidan u
gaar ah maxay qabanayaan booliska iyo ciidanka daraawiishta Puntland.
Baydhabo:Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa wada kulamo kala duwan uu la yeelanayo Xildhibaanada
Baarlamaanka, kaasoo ku wajahan kalsooni siinta Xukuumada Cusub.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulamadan uu la yeelanayo Xildhibaanada ay
yihiin kuwo gaar gaar ah, isagoona dadaal ugu jira sidii Xildhibaanadu
ay ugu fududeyn codka kalsoonida.
Inkastoo ay jiraan xildhibaano saluugsan dhisamaha golaha wasiirada Nuur
Cadde ayaa Gudoomiyuhu waxa uu Xildhibaanada ka dhaadhicinayaa in aan is
qab qabsi iyo muranba waqtiga la isaga lumin.
Isagoo la hadlayay tiro Xildhibaano ah ayuu u sheegay Sheekh Aadan
Madoobe in ay muhiim tahay in Baarlamaanka codkiisa siiyo Xukuumadan
cusub, “lama haysto waqti badan, inta yar ee aynu haysano waa inaan ka
faa’iideysana”ayuu hadalkiisa ku yiri.
Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ayaa u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka
mooshin iska soo horjeedo oo ku aadan codka kalsoonida Xukuumada,
waxaana xildhibaano qaar ahi doonayaan in codka kalsoonida noqoto mid
qarsoodi ah, halka kuwo kalena ay doonayaan in gacan taag laga dhigo.
Gudoonka Baarlamaanka ayaan wali arrimahan ka hadlin, iyadoona maalinta
sabtida ku beegan tahay waqtiga Xukuumada Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde
codka kalsoonida loo qaadayo.
Adis Ababa:Dowladda
Mareykanka ayaa ugu deeqday Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga
qalab isgaarsiin oo casri ah, kaasoo isku xira Ciidamada ku sugan
Muqdisho iyo Madaxda Midowga Afrika ee ku sugan Addis Ababa.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Midowga Afrika ayaa gudoonsiiyay Madaxa
Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Said Djinet qalabkaas muhiimka
ah oo dhinaca satelite ah.
Qalabkan isgaarsiinta ah oo lagu magacaabo V-Satelite ayaa la rakibi
doonaa bartamaha Bishan, waxaana loogu tala galay inuu isku xiro
Ciidamada AMISOM ee howl galka u jooga Muqdisho iyo Mas'uuliyiinta ku
sugan Addis Ababa.
Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay tallaabada Mareykanka uu qaado gacan
siinta Ciidamada nabad Ilaalinta Soomaaliya, waxaana lagu sheegay inuu
wax weyn ka tarayo isku xirida iyo howlaha amni ku soo dabaalida
Ciidamada Midowga Afrika.
Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay gacan ka geysan doonto
howlaha soo daabulida Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya imaanaya,
iyadoo todobaadkii hore ugu yaboohday tababaro ay siinayaan Ciidamadaas.
ISha:.(Apl)
Puna-aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |
|
Waraka Shalay iyo Maanta/hore:
Muqdisho:Ciidamo
ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta
gaaray tuulada Halgan,Magaalada Kismaayo ee
xarunta Jubada
hoose ayaa waxaa ka dhacay Bililliqo
iyo arimo amni xumo,iyadoo ay Gudoomiyaha
Gobolka Ilyas Bedel iyo Col:C/rasaaq afguduud ay joogaan meel u jirta
50Km Kismaayo.24.06.07
Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Howl wadaag oo ladilay kadib markii uu soo gutay Salaada Maqrib.01.06.07.ISha:ALp.
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya oo gaaray liibiya kuna sugan imika Magaalada Sirta.01.june.07
Muqdisho:Raysal
wasaare Gedi oo ku soo laabtay Muqdisho. iyo Lacag dhan 8.5 milyan oo ku
baxaysa shirka dib u heshiisiinta oo ay kala saxiixdeen UNDP iyo Gudiga
dib uheshiisiinta qaran.01.june.07
Baydhabo:
Madaxweyne C/lahi Yusuf oo ku celiyay
Baarlamaanka KMG sharcigii ay horey u ansixiyeen ee ladagaalanka
Argigixisada iyo
Wasiirka Qorshaynta iyo Maamulka G.banaadir oo si wada
jir ah ula kulmay wafdi qaramada midoobay oo yimid Muqdisho.29.05.07
Nairobi:
Raysal wasaaraha DKMG Soomaliya oo
udhoofay Abuja si uu uga qayb galo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee
Nayjeriya
iyo
Qaramada Midowday oo ka hadashay
Xaalada soomaliya.28.05.07
Boosaaso:
Wafdi ka yimid Yaman oo
ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato reer Sacuudi ay ka dhoofeen
Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka jawaabay su'aal ay ka
weydiiyeen ganacsata Puntland arinta Heshiiska sucuudiga lala galay.28.05.07
Aarhus:
Socdaalkii Xildhibaan C/Rsahid
Ciro iyo kulan kiisii Jaaliyada Soomalida Denmark.18.05.07
New
York:
Maraykanka oo safiir u magacawday
Soomaliya iyo
Muqdisho:Taliyaha
Booliska DKMG oo sheegay in ay nidaam diid yihiin kuwa qaska kawada
Muqdisho.18.05.07
Muqdisho:Xildhibaan
Bare Hiirale oo wata Gaawaari Gaashaaman ayaa tagay Magaalad
Baardheere xili ay isu diyaarinayaan Siyaasiyiin beeshiisa ah in ay
qabtaan Jagadii laga qaaday ee Wasiirka Gaashaanndhiga DKMG.15.05.07
Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Heliwaa oo la dilay xalay.14.05.07
Muqdisho:Dekada
Magaalada Kismaayo oo saakay bilwday shaqadii xili aysan jirin wax is
afgarad guud oo la gaaray magaaladaas.14.05.07 |
|