| |
|
Boosaaso:Madaxweynaha
dowlad gobaleedka Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ayaa
gaaray Magaalada Boosaaso ,isagoo ay halkaasi ku soo dhaweeyaan
Masuuliyiin kala duwan wuxuuna bilaabay kulamo looga hadlayo xaaladaha
ay ku sugan yihiin Shaqaale Ajnabi ah oo lugu heysto deegaanadaasi.
waxaa kaloo la filayaa in uu madaxweynaha uu u yimid wax ka qabashada
amni xumida.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo galabta ka ambabaxay Magaalada Garoowe ,ayaa
bilaabay la kulmida Odayaasha dhaqanka ee ay ka soo jeedaan Xubnaha
gacanta ku haya Shaqaalaha Samafalka ee joogey Magaalada Boosaaso ee
xarunta gobalka Bari ,ayagoo kulamadan aysan jirin faahfaahin ka bixisay
ilaa waqtigan.
Cadde Muuse ayaa si gaar ah ula hadlaya Qabaa'ilada ay ka soo jeedaan
Kooxahan ,isagoo markaasina kala hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa
wada hadalada ku aadaan sii deynta Shaqaalahan oo Maalintii 4 aad
Afduubka loogu heysto gobalada Dowlad Puntland.
Gudiga uxilsaaran sii deynta Shaqaalahaasi ayaa Madaxweynaha Puntland
warbixin ka siiyay sidii ay wax udhaceen iyo ilaa hada waxa horu kac leh
oo lasameeyey ,ayagoo sheegay in ay meel fiican wax marayaan ayna wada
hadaladu yihiin kuwa wanaagsan.
Xukuumada Puntland ayaa lafilayaa in ay talaabo deg deg ah ku dhawaaqdo
Saacadaha soo socda kuna aadan Kooxaha Bilaabay in ay deegaanada
Puntland ku afduubtaan dadka uyimid caawin Bulshada dowlad gobaleedka
Puntland Ee Soomaaliyeed ,ayadoo mudo dhan hal todobaad gudihiis ay
Puntland ku gudaheeda lugu afduubay dad Ajnabi ah.
Tagitaanka Madaxweynaha Puntland ee gobalkaasi ayaa dadku siyaabo kala
duwan uga hadlayaan loona sarifarayaa ,ayagoo ay ku beegantey tagitaanka
ka dib markii maalmihii ugu danbeeyey ay socdaan wada xaajoodyada ku
aadan soo deynta dadka la heysto.
ma aha markii ugu horaysay ee oo lagu afduubto ama lagu sigo dad ajanabi
ah deegaanada Puntland. dhacdadii ugu danbaysay ayaa ahayd tii lagu sii
daayay wariyihii ka socday Faransiiska magaalada Boosaso iyo gabadhii ka
timid Kanada oo iyada lagu sigay Galkacyo.iyo waliba bambaano lagu
tuuray magaalada boosaaso. dadka dhaliila maamulka Cade muuse ayaa
sheegaya in uu hanan kari la'yahay amniga dadka ka socda hay'adaha
caalamiga.
Garowe:Madaxweynaha dowlad gobaleedka
Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka soo saaray warqado
kala duwan oo dhamaantood ku saabsanaa Magaacibada wasiiiro kuxigeeno
iyo wasiiru dowlayaal.
Madaxweynaha Puntland ayaa umagacaabay Cali Cabdi Awaare wasiiru dawlaha
madaxtooyada, xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga ,ayadoo Madaxweynuhu
sheegay in ay tani timid ka dib markii ay Codsiyo xoog leh uga yimaadeen
Bulshada nabada Jecel ee ku dhaqan deeganaada Puntland iyo kuwa dibada
jira ,isla markaana uu sidaasi ku magacaabay Cali Cabdi Awaare oo mudo
soo hayey xilka wasiirka dowladaha Hoose iyo Horumarinta gobalada
Puntland lagana qaaaday bishan gudaheeda.
Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sidoo kale umagaacaabay Maymuun Cabdi
Ducaale wasiir kuxigeenka 2-aad ee caafimaadka Puntland ,ayadoo sidoo
kale door lixaad leh ka qaadan doonta kor uqaadida howlaha Haween ee ku
aadan toosinta dowlada Puntland ,waxa ayna ku timid ka dib la tashiyo
kala duwan oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa qaateyna waqti
dheer ,ayagoo lugu amray in ay shaqo bilaabaan Xubnahan la magacaabay.
Wareeegto kale oo ka soo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa loo
magacaabay wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Cabdi
Salaad Cabdi ,in uu la taliye unoqdo Wasiirka Cusub ee wasaaradaasi loo
dhiibay dhawaana ,waxaana warqadan lugu cadeeyey markii la arkay waayo
aragnimada uu uqabo howlaha baacada leh ee horyaala wasaarada Qorsheynta
iyo Xiriirka Caalamiga ah.
Xilalkan kala duwan ee uu magacaabay Madaxweynaha Puntland Maxamuud
Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ayaa ku soo beegmaya xili mudo aan la
joogin bil oo magacaabay wasiiro Cusub ,isla markaana uu shaqada ka
joojiyey Cali Cabdi Awaare & Cabdi Salaad Cabdi ,oo mar kale loo
magacaabay xilalka mid ah golaha Xukuumada Puntland ,ka dib markii ay
sidaasi ka codsadeen Madaxweynaha Puntland Dadweynaha udhashay
deegaanada Puntland.
ISha:Puna.()
aayatiin.net
ama webmaster@aayatiin.net
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya ayaa ku tilmaamay in hadalkii uu yiri Wk.Gaashandhiga Salaad
cali jeelle mid isaga ugaar ah DKMG aysan shaqo kulahayn.Muqdisho:Dagaalo
Markale ka qarxay Magaalada Muqdisho.11.04.07
 Växjö:Jaaliyada
Sweden gaar ahaan Koonfurta ee Gobolka Småland Magaalada Växjö Ayaa
waxay dhigeen Xalfad lagu taageerayo Shirweynaha Qaran oo ay Dowlada
Federaalka ku qabanayso Caasimada Soomaaliya Muqdisho
10.04.0700
oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaaladii sedexda maalin socda
Aarhus:Xaflad
Balaaran oo ay isku soo duba rideen mas'uuliyiinta, ururka Somali
Community in Danmark, ayaa lagu gudoonsiiyay wakiilka Spotiga Puntland
ee Skandineefiya Qalab Sporti oo kala duwan.
Aarhus:BAAQ
TAAGEERO NABADEED IYO TALO BIXIN ( JALIYADDA DANMARK )09.marso.07
Muqdisho:Diyaarad
Saanad Maleteri siday oo uu dab Qabsaday maanta balse lagu guulaystay
damintiisa.09.marso.07 |
|
Waraka Shalay iyo Maanta/hore:
Muqdisho:Ciidamo
ka socda DFKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta
gaaray tuulada Halgan,Magaalada Kismaayo ee
xarunta Jubada
hoose ayaa waxaa ka dhacay Bililliqo
iyo arimo amni xumo,iyadoo ay Gudoomiyaha
Gobolka Ilyas Bedel iyo Col:C/rasaaq afguduud ay joogaan meel u jirta
50Km Kismaayo.24.06.07
Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Howl wadaag oo ladilay kadib markii uu soo gutay Salaada Maqrib.01.06.07.ISha:ALp.
Muqdisho:Madaxweynaha
Soomaliya oo gaaray liibiya kuna sugan imika Magaalada Sirta.01.june.07
Muqdisho:Raysal
wasaare Gedi oo ku soo laabtay Muqdisho. iyo Lacag dhan 8.5 milyan oo ku
baxaysa shirka dib u heshiisiinta oo ay kala saxiixdeen UNDP iyo Gudiga
dib uheshiisiinta qaran.01.june.07
Baydhabo:
Madaxweyne C/lahi Yusuf oo ku celiyay
Baarlamaanka KMG sharcigii ay horey u ansixiyeen ee ladagaalanka
Argigixisada iyo
Wasiirka Qorshaynta iyo Maamulka G.banaadir oo si wada
jir ah ula kulmay wafdi qaramada midoobay oo yimid Muqdisho.29.05.07
Nairobi:
Raysal wasaaraha DKMG Soomaliya oo
udhoofay Abuja si uu uga qayb galo caleemo saarka madaxweynaha cusub ee
Nayjeriya
iyo
Qaramada Midowday oo ka hadashay
Xaalada soomaliya.28.05.07
Boosaaso:
Wafdi ka yimid Yaman oo
ka soo degay Boosaaso halka Wafdi ganacsato reer Sacuudi ay ka dhoofeen
Boosaaso iyo Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka jawaabay su'aal ay ka
weydiiyeen ganacsata Puntland arinta Heshiiska sucuudiga lala galay.28.05.07
Aarhus:
Socdaalkii Xildhibaan C/Rsahid
Ciro iyo kulan kiisii Jaaliyada Soomalida Denmark.18.05.07
New
York:
Maraykanka oo safiir u magacawday
Soomaliya iyo
Muqdisho:Taliyaha
Booliska DKMG oo sheegay in ay nidaam diid yihiin kuwa qaska kawada
Muqdisho.18.05.07
Muqdisho:Xildhibaan
Bare Hiirale oo wata Gaawaari Gaashaaman ayaa tagay Magaalad
Baardheere xili ay isu diyaarinayaan Siyaasiyiin beeshiisa ah in ay
qabtaan Jagadii laga qaaday ee Wasiirka Gaashaanndhiga DKMG.15.05.07
Muqdisho:Gudoomiyaha
Degmada Heliwaa oo la dilay xalay.14.05.07
Muqdisho:Dekada
Magaalada Kismaayo oo saakay bilwday shaqadii xili aysan jirin wax is
afgarad guud oo la gaaray magaaladaas.14.05.07 |
|